Home arrow News in Somali
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:851
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:350
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:770
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:1247
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:456
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Oct 12 2008
Cadde Muuse oo Xilkii ka Qaaday Maxamed Xaaji Aaden oo ahaa ku Xigeenka Ciidamada Booliska
Written by Ali Moallim   
Sunday, 12 October 2008

Garoowe,(insidesomalia.org)- Madaxweynaha Maamul Gobaleedka Puntland ayaa warqad uu ka soo saaray Xafiiskiisa magaalada Boosaaso wuxuu shaqadii kaga eryay Mid ka mid ah kuxigeenada ciidamada Booliska ee Puntland, waxaana xilka laga qaaday Maxamed Xaaji Aaden oo ka mid ah Kuxigeenada ciidamada Booliska.

 

Warqadan ka soo baxday Xaafiiska Madaxweyne Cadde Muuse ayaa ku taariikheysneyd maanta oo bishu ku beegan tahay 11-ka Octoobar, waxa ayna warqada uqorneyd Sidan.

 

Xeer Madaxweyne Lr. 104/08 ee 11th October, 08 kuna saabsan Xil-ka-qaadis Taliye-ku-xigeenka Ciidanka Booliska.

 

Madaxweynaha  Puntland Markuu Arkay Dastuurka Dowlad Goboleedka Punt Land qodobkiisa 54aad faqradiisa 19aad Markuu Tixgeliyey Talo soo-jeedinta Wasiirka Amniga iyo DDR Markuu Arkay: Xaaladda Nabadgelyo ee wadanku ku sugan yahay Wuxuu Xeeriyey.

 

1) Waxaa Xilkii laga qaaday Maxamed Xaaji Aaden oo ahaa Taliye-ku-xigeenka Ciidanka Booliska Puntland.

 

Madaxweyne Cadde Muuse ayaa ucuskaday shaqo ka qaadidan markuu arkay talo soo jeedin ka timid Wasiirka Amniga ee Puntland iyo sidoo kale markuu xeeriyey sida loogu baahan yahay amaanka Puntland oo wax laga qabto, waxaana la sheegayaa in dhawaan booskaasi la buuxin doono.

 

Xeerkan wuxuu dhaqangalay maanta uu saxiixay Madaxweynaha maamul gobaleedka Puntland Maxamuud Muuse Xirsi, shaqo ka qaadidan Madaxweyne Cadde Muuse ayaa ku soo beegmaysa xili maalmihii ugu dambeeyey ay dadka Puntland ku dhaqan ay cabasho ka muujinayeen amaan la'aanta ka taagan deegaanada Puntland.

 





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >